UNHCR oo 341 ruux oo Dhadhaab ka laabtay gaysay Magaalada Dhoobley

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa maagalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose keentay 341 Qof oo Soomaali ah.

Dadkan ayaa iskood isu diiwaangeliyay si dib loogu celiyo dalkooda,waxaana u fududeysay Hay’adda UNHCR.

Warbixin ay soo saartay UNHCR ayaa lagu sheegay in dadkan dhulka ay soo mareen,safarkaas oo ah kii ugu horreeyay ee dhinaca dhulka ah tan iyo March 2018kii.

UNHCR waxaa ay horay u sheegtay in safarrada dhulka ay hakisay kaddib markii Waddooyinka ay noqdeen kuwo burbursan sidoo kalena amaanka noqday mid aan la isku halleyn karin.

Dowladaha Kenya,Soomaaliya iyo Hay’addan UNHCR ayaa 2013kii isku raacay in qaxootiag Dhadhaab ay si tartiib tartiib ah dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo aan la qasbeyn.

Warbixinta UNCHR,waxaa ku cad in tan iyo xilligaas ay UNHCR ka caawisay in ay dalkooda ku laabtaan  81,111Qof oo ka baxay Kenya islamarkaana ku  laabtay Soomaaliya.

Faallooyin