Laba Carruur oo ku geeriyootay Degmada Waaberi kadib markii uu gaari jiiray

Laba caruur ah ayaa geeriyootay, laba kalena way dhaawacmeen, kadib markii gaari nuuca raaxada ah lagu jiirsiiyay wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay gaariga caruurtan dilay inuu ka yimid dhanka Ceel-gaabta markii uu marayayna aagga UNICEF uu marqura carruurtan oo taagnaa wadada dhinaceeda ku jiiray.

Carruurtan oo ay Da’dooda u dhaxeysay 14 sano ilaa 9 sano ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen inay u socdeen xilligaasi Dugsi Qur’aan.

Ninka waday gaariga ayaa la sheegay inuu sarqaansanaa, ayna la socdeen dumar, waxayna ka yimaadeen dhanka Xeebt Liido.

Qof ka agdhawaa goobta shilka uu ka dhacay ayaa sidan Warbaahinta u sheegay.

“Gaari yar oo nooca raaxadda ah ayaa ilmahan ku dilay Marshibiyeedka laamiga, kadib markii xoog uu ku socday, carruurta laba ayeey ahaayeen midna 10-sano ayuu jiray midna 12, haa waa ay dhinteen labadoodaba.” Ayuu yiri goobjoogaha.

Ciidamada Booliska Degmada Waaberi ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga yar ee nooca raaxadda ah.

Faallooyin