Madaxweyne Farmaajo oo Turkiga kula kulmay Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa kulan ku wada Qaatay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Masuul ayaa iska xog wareystay Xaaladihii udanbeeyay ee dalka, Dadaalada ay dowladda ugu jirto horumarinta Dowladnimada Somaliya iyo Sidii loo sii wadi lahaa Halka ay uga tagtay Dowladdii hore ee Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka iyo Facebooka, Waxa uu sheegay in waxyaabaha ay isla soo qaadeen isaga iyo Xasan Sheekh ay kamid tahay Fursadaha iyo Caqabadaha horyaalla Dalka.

" Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna" ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Si Kastaba, waa markii uhoreysay oo ay Kulan wada yeeshaan Labada Masuul tan iyo 16-Kii Bishii February markaas oo Xasan Sheekh  uu si rasmi ah xilkaas ugu wareejiyay Madaxweyne Farmaajo, Sideed Cisho kadib doorashadii 8 February ee Muqdisho lagu qabtay.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/07/

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/07/

Faallooyin