Wasiirka Duulista iyo gaadiidka oo shaqada ka joojiyay Maareeyaha Hayadda Duulista Yuusuf Jaalle

Wasiirka Duulista Iyo gaadiidka Hawada Somaliya Maxamed C/laahi Oomaar, ayaa goor dhaw wuxuu shaqada ka joojiyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf (Jaalle). 

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha, waxaana si KMG ah shaqada loogu soo dhiibay Ku xigeenkiisa. 

Lama oga sababta rasmiga ah ee arrintaan ka dambeysa, balse muddooyinkii dambe waxaa jiray Khilaaf xooggan oo ka dhex taagnaa Wasiirka iyo Maareeyaha. 

Khilaafkaan ayaa soo shaacbaxay muddooyinkii dambe, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Somaliya loo soo wareejiyay qalabkii lagu Maamulaayay hawada Somaliya.

Faallooyin