Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Xudur ku wajahan

Ammaanka Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ay ku jiraan xaalad feejignaan ah, waxaana ku wajahan Magaaladaasi wafdi sare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa la filayaa inay safar ku tagaan Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo oo labadii habeen ee la soo dhaafay ku hoyda, waxaana safarkiisa maanta ee xudur qorshaha uu yahay in uu la soo kulmi dadka deegaanka.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Xudur, wuxuu kale uu la kulmi doonaa Saraakiisha ciidamada iyo xubnaha kale ee Maamulka Magaalada oo uu ka xaal wareysan doonaa ammaanka Magaalada.

Faallooyin