Afhayeenka Wasaarada amniga Somaliya Cabdi Casiis Xildhibaan oo xilkii laga qaaday.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Afhayeenka Wasaarada C/Casiis Xildhibaan oo xilka hayay 11 Bil oo Kaliya.

Warqada Xilka qaadista oo soo Baxday Shantii Bishan ayaa Waxaa caawa Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ugeeyay Xoghayaha Wasiirka amniga, Xildhibaan ayaase usheegay Xoghayaha inuu isagaba isaga tagay mar hore Shaqada.

Waxa uu shaaciyay in Todobadii Bishan oo ku aadaneyd markii uu dhacay weerarkii Shabaab ee Xarumaha Wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Amniga uu Istiqaaladiisa gudbiyay, waloow wali aaney si rasmi ah usoo bixin.

Waxaa Jirta Caro Madaxda Dowladda ay ka qaaday hadal shalay Afhayeen Xildhibaan uu ka jeediyay kulan Muqdisho lagu qabtay, taasoo uu ka sheegay in Madaxda Dowladda ay yihiin Danleey Tuugo ah oo Boorsooyin usoo qaatay Shacabka, Wuxuuna Su'aal galiyay sida Shabaab ay ku soo weerareen Ote Ote oo uu ku sifeeyay meel Qad cagaaran ah.

Si kastaba,Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa Maanta uun isna Xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkiisii Diinta iyo OW Qaafta Somaliya Xasan macalin Xuseen oo xilkaas hayay Bil iyo Bar kaliya.

Faallooyin