Gen. Gorod: Wixii Qaad Cuno ee Villa Somaliya kujira Albaabkee ka baxayaan, Tuutaha iyo Qoriga iiga Reeba.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa amarro cusub dul dhigay Ciidamada Xooga dalka Gaar ahaan kuwa ilaalada ka haya Madaxtooyada Somaliya.

Janaraal Gorod ayaa sheegay in Ciidamada ay mamnuuc ka tahay waxyaabaha Maanka dooriya oo ay ugu horeysay Qaadka, Isgaoo Saraakiisha Ciidamada faray iney shaqada ka saaraan Ciidamada Maandooriyayaasha Isticmaala xiliyada ay shaqada kujiraan.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa tilmaamay in Banaanka loo saarayo qof kasata oo lagua rko isagoo Isticmaalaya Maandooriyaha Qaadka, Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Ciidamada ku sugan Madaxtooyada Somaliya kuwaasoo uu sheegay inuu la yaaban Muuqaalkooda marka ay Qaadka cunayaan.

" Wixii Qaad Cuno oo Villa Somaliya kujira Banaanka ayey ubaxayaan, Tuutaha iyo Qorigana iiga Reeba, Xataa lala xishoon maayo oo Villa Somaliya horteeda ayaa lagu Cunayaa, Waxaad la yaabeysaa Muuqaalka Wajigooda, Qofkee arkaana Qoriga ayey ufuranayaan", Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa Ugu dnabeyntiina sheegay in Xabsi Ciidan ay muteysan doonaan askarta Qaadka isticmaasha ee ka howlgasha Madaxtooyada Somaliya.

Faallooyin