Ganacsatada Magaalada Jowhar oo iska diiday Isticmaalka Lacagta Shilin Somaliga.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle, ayaa sheegaya in Ganacsatada Magaalada ay maanta iska diideen Isticmaalka lacagta Shilinka Somaliga.

Ganacsatada Magaaalada Jowhar ayaa maanta isla qaatay Go'aan mideysan oo ay ku diideen lacagta kadib markii ay hoos udhacday Qiimihii lacagta ee lagu sarifi Jiray Doolarka,Boqolkii Doollar ee Mareykanka ayaa Suuqyada Jowhar maanta la sarifayaa  lacag gaareysa 2500,000 Sh.So halkii uu hore ugaga ahaa 2300,000 Sh.So.

Maamulka Sh.Dhexe oo arintan ka biya diiday, ayaa ku baxay Suuqyada lacagaha lagu sarifo ee Jowhar, Waxeyna Ganacsatada usheegeen ineysan suura gal eheyn diidmada lacagta SHilin Somaliga maadaama aan leheyn wax lagu badalo.

Maxamed Cabdi Sheekh oo ah ku simaha Gudoomiyaha Sh.Dhexe ayaa Saxaafada usheegay in dadka reer Jowhar ay ubadanyihiin dad xoolo dhaqato iyo beeraley ah lacagaha ugu badan ay Isticmaalaanna tahay Shiling Somaliya, taasoo meesha ka saareysa in Dollar la adeegsado.

Waxa uu cod dheer ku yiri " Marnaba ma dhici karto in Xoogsatada  laga diido lacagta ay xoogooda ku soo shaqeysteen ama lacagtii ay yaanyadii iyo galeydii ay beerteen loogaga iibsaday".

Lacagaha Shilin Somaliga ayaa maalmahanba laga diidanaa Magaalada Gaalkacyo Koofurteeda, iyadoo hore looga didiay Magaalada Baladweyne, Waxeyna noqoneysaa markii uhoreysay oo Jowhar laga diido Isticmaalka Shilin Somaliga.

Si Kastaba, Magaalada Jowhar Waxaa Ka Maqan; Madaxweynaha Hirshabelle maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Cali Guudlaawe, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan barre Maxamed iyo Gudoomiyaha Sh.Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo dhamaantood Ujeedooyin kala duwan Muqdisho ujooga.

Faallooyin