Baarlamaanka Somaliya oo si kulul uga hadlay ishortaag AMisom ay ku sameysay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Barta Kontoroolka ee Madina Gate ayaa maanta xanibay Kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo Safar dibadda ah ugu amba baxayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Muddo Saacad ah ayay Ciidamada AMISOM Kolonyada Galbineysay Gudoomiye Cabdi Xaashi ay u diideen in ay gudbaan Garoonka Aadan Cade, kadib markii ay sheegeen in aysan heyn Ogolaanshiyo ay ku fasaxaan.

Mowliid Xuseen Guhaad Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ahna ku simaha gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in AMISOM uu qoraal u diray, Warcelintooda ay sugayaan.

Saddex Mas'uul oo kaliya ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM u sheegeen in ay u ogol yihiin in ay Ilaaladooda la galaan Garoonka Diyaaradaha,Taasna ayuuna Nasiib Daro ku Tilmaamay Guhaad.

Waxa uu sheegay in Amisom ay ka doonayaan In soo cadeeyaan Cida amartay Iyo sababta ay ku dhacday In la reeb masuuliyiin dowlada ka tirsan Jawaab deg deg ah ay soo saran.

Gudoomiye Mowliid ayaa dalbaday in aan la kala sareysiin Madaxda Dowladda, hab dhaqanka AMISOM ee Mas'uuliyiintana ay wax ka badalaan.

Inkastoo uusan cadeen Magacada saddexda Mas'uul ee Kolonyadooda u gudbi karta Garoonka Aadan cade Hadana waxaa muuqata oo kaliya in ay kala yihiin Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhanka Kale Mahad Cabdala Cawad oo shir Gudoomiyay Kulan ay isugu tageen Guddiyada joogta waxa ay iyanna arrintaan kaga hadleen.

Mahad Cabdalla ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay isbadaleen, ayna sii xumaaneyso Wada shaqeynta Xubnaha Xasaanadda leh sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Cawad waxa uu sheegay n Amisom Gabi ahaanba ay diiday In lala xisaabtamo oo ay ka biyo diideen in su’aalo laga waydiiyo Cabashada kaga imaaneysa Masuuliyiinta Dowlada.

Masuuliyiinta Midowga Afrika iyo AMISOM ayuu ugu baaqay in ay u hogaansamaan Dastuurka dalka uu leeyahay, hadii kale ay ka imaan karto cawaaqib xumo, wada shaqeyn la’aantaas, isaga oo tilmaamay in ay habacsanaan ku yimid shaqadi u dhaxeysay AMISOM iyo Baarlamaanka.

Faallooyin