Kenya oo shaacisay magacyada askar shalay lagu dilay Wajeer,hubkiina laga furtay

 
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Al-shabaab ay qaateen Hub iyo Rasaas badan weerar ka dhacay duleedka Magaalada Wajeer.
 
Shalay gelinkii dambe qarax lala beegsaday askartaas oo marayay duleedka Wajeer ayaa waxaa ku dhintay 8 ka mid ah Ciidanka Kenya.
 
Warbixinka Dowladda Kenya waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay horay u qaateen 6 Qori oo AK47 ah iyo G3, waxaana sidoo kale ay qaateen 540 Xabbo oo rasaas ah.
 
Saddex qori oo ka mid ah hubka la la'ayahay waxaa uu watay 90 Xabbadood halka inta kalena ay wateen min 60 Xabbo oo Rasaas ah.
 
Magacyada Askartii ku dhintay weerarkii shalay oo Soomaali u badnaa ayey dowladda Kenya ku kala sheegtay;
C/Casiis Cali , Cabdullahi Hiraabe,Thomas Mchere, Cali Maxamed Cali, Cali Axmed, Candullahi Sheekh Yuusuf, Daa'uud Ibraahim Axmed iyo Muxumed Yacquub Cabdi.
Al-shabab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarrada dhinaca Qaraxyada ah ee ay la beegsanayaan Ciidamada Kenya waxaana ku dhintay daraasiin askar ah.
 Weerarkii midka shalay ka horreeyay waxaa todobaadkii hore lagu dilat shan ka mid ah askarta la dagaallanka Argagixisada ee Kenya loona yaqaan GSU,waxaa ay ku safrayeen Waddada Libooyo iyo Gaarisa.

Faallooyin