Liibiya: Ciidanka Khaliif Xaftaar oo billaabay guluf ay dib ugu qabsanayaan labo ceel shidaal

Ciidamada Jeneraalka dalka Liibiya ee Khaliif Xaftaar ayaa billaabay dagaal ay ku doonayaan in ay dib ugula wareegaan labo Ceel shidaal, oo Khamiistii laga qabsaday.

Jeneraalka ayaa dagaalkan ku dhawaaqay shalay oo Axad ahayd,waxaana Ciidamadiisa ay doonayaan dib u qabsashada ceelasha  ee kala ah; Ras Lanuf  iyo Al-Sidra.

Ceelasha waxaa khamiistii qabsaday Malleeshiyo hubeysan oo aan la sheegin cidda ay taabacsanyihiin,waxaana saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka Xaftaar ay dadka degaanka ugu baaqeen in ay ka fogaadaan degaannada ay ciidamadaas qabsadeen.

Ceelasha  shidaalka ee labada ah,waxaa ay 650km u jiraan Magaalada Caasimadda ah ee Tripoli,waxaana uu doonayaa in uu gacantiisa ku soo celiyo.

Jeneraalka 71 jirka ah waxaa uu mucaaridsan yahay dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsanyahay taas oo fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Inta badan Ciidanka Khaliif Xaftaar waxaa ay maamulaan Bariga Dalka Liibiya oo ay ugu weyn tahay Magaalada Bengazi,halkaas oo saliidda ugu badan ee Liibiya laga dhoofiyo.

Faallooyin