Kooxo hubeysan oo weeraray Fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihin Isgoyska SOS ee Degmada Hurwaa.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Caawa uu weerar ka dhacay Fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Hurwaa.

Dagaalyahano katirsan Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda oo ku taala halka loo yaqaano Shaleemo Cabdi Waayeel oo ku dhow Isgoyska SOS, Goob joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalka oo xoganaa saameyn ku yeelatay Gaadiidkii ka imanayay dhanka Balcad.

Dagaalyahanada Shabaab ayaa qoriga Zabanka ama Baasuukaha ku bilaabay dagaalka, waxaana xigay Rasaas toos ah oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Dagaalka oo daqiqiado kooban socday, ayaa waxaa goobta isaga cararay ragii hubeysnaa ee weerarka qaaday, Waxaana markii dnabe goobta isku fidiyay Ciidanka Dowladda oo sameeyay howlgallo ay ku baadigoobayeen dableydii weerarka qaaday.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay inuu Jiro Khasaare ka dhashay dagaalka, waloow aan si rasmi ah loo oeyn Khasaaraha weerarka.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay iyadoo Ciidamada Dowladda ay jarteen inta badan wadooyinka halbowlaha u ah Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana warar soo abxaya ay sheegayaan inuu jiro Cabsi dhinaca amniga ah.

Faallooyin