Gaari qaad siday iyo dadkii la socday oo lagu gubay Gobolka Shabellaha hoose

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay gaari Qaad siday ku gubeen deegaanka Batra-miin oo u dhaxeeya Golweyn iyo Buula-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xalay fiidkii ay mar qura ka war heleen gaari halkaasi ku gubanaya, iyo dad dalbanaayay gar gaar.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in falkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa Afar qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga, una rarnaa Qaadka oo markii laga keenay Buula-mareer, loona waday Shalaambood.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolkaasi C/fataax Xaaji ayaa sheegay in hada aysan ka hadli karin dhacdadaasi, balse ay wadaan baaritaan iyo dabagal.

Faallooyin