Haweenay Somali ah oo ku geeriyootay Shil gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka (SAWIRRO)

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in shil gaari ay ku dhimatay Haweenay Soomaali ah todobaadkaan gudihiisa,waxaana uu Shilkaan dhacay magaalladda Burlngton ee gobolka  Vermont.

Taliyaha Booliska degaanka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in ay dhimatay haweeneydaasi ka dib markii ay  iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Haweenayda Soomaalida ah ayaa lagu magacaabi jiray  Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd , waxaana ay aheyd Hooyo heysata todobo Carruur ah.

Haweenaydan ayaa Booliska waxa ay sheegeen dhimashadeeda inay kadis aheyd, maadaama shilkaan uu dhacay, islamarkaana gaariga ay iska tuurtay. 

Faallooyin