Puntland oo sheegtay inuusan jirin wada hadal ay kula jirto Somaliland

Maamulka Puntland ayaa beeniyay war ka soo baxay Somaliland oo ah in wada hadallo la leeyihiin Maamulka Puntland, lagana wada hadlaayo arrimaha Gobolka Sool.

C/laahi Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland aanu waxba ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay inay la wareegto Gobolka Sool.

“Waan maqlay warka kasoo yeeray wasiir Sacad Cali Shire oo uu leeyahay waxaa inoo socda annaga iyo Puntland wada hadallo, warkaasi waa mid aan waxba ka jirin waa war siyaasi, Laascaano iyo Gobolka Sool waa la xoreynayaa waa arrin dastuuri ah, haddii in muddo ah Somaliland ay dhex socotay micnaheedu ma’ ahan inay leedahay.” Ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Quraan Jecel oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanu jirin wax lagu wada hadlo oo meesha yaalla, sababtuna wuxuu ku sheegay in Sool ay ka tirsan tahay Puntland.

Lama oga sida ay wax ku dambeyn doonaan, waxaana jirin illaa hadda dedaal rasmi ah oo muuqda misane lagu kala dhexgalay dhinacyadan.

Faallooyin