Shabaab oo Ciidanka Amisom Qarax xoogan kula eegtay Magaalada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Xoogan oo Galabta ka dhacay Inta u dhexeysa  Wadada xiriirisa Balcad iyo tuulada Qalimoow, gaar ahaan meel u dhow halka loo yaqaano  Ceelka-Geelow.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo kamid ah Sh.Dhexe ayaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Burundi oo qeyb ka ah Howlgalka Amisom, Ciidankan oo safar dhanka dhulka ah uga baxay Muqdisho ayaa ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Saraakiil katirsan Balcad iyo Goob Joogayaal ayaa soo sheegay in Qaraxa uu Khasaare gaarsiiyay Ciidankii AMisom ee lala eegtay, Wararka qaar waxey sheegayaan in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo umuuqatay mid laba jiho ka sooctay.

Ciidanka Amisom ayaa Qaraxa kadib, xiray wadooyinka ku dhow goobta Qaraxa lagula eegtay, kuwaasoo rasaas ku kala eryayay dadkii ku soo dhawaaday halka Qaraxa lagula bartilmaameedsaday.

Shabaab, Qoraal ay ku faafiyeen Baraha lagu taageero ayey ku sheegteen Masuuliyada Qaraxa, Waxeyna sheegeen iney gubeen Mid kamid ah gawaaridii AMisom, Dhimasho iyo dhaawacna ay gaarsiiyeen Ciidankii Burundi.

Maamulka Magaalada Balcad ayaan wali ka hadal Khasaaraha ka dhashay Qaraxaas, Halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ku dhow meesha Bishan Ramadaan dhexdeeda lagu dilay laba Kamid ah Xildhibaanada Hirshabelle oo usoo socday Magaalada Muqdisho.

Wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa qarka usaaran iney ka xiranto Shacabka, waloow ay isaga go’een Masuuliyiinta Hirshabelle, maadaama ay xargo goostay nqodeen weerarada Shabaab ay ka geysteen Wadada.

Faallooyin