Xaliimo Yareey: Xisbiyo ayaan Shahaadooyinka kala noqon doonnaa Baaritaano Kadib.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa digniin cuulus ujeedisay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo ay Guddigooda diiwaan geliyeen.

Xisbiyadan oo 15 ah, ayaa Guddiga doorashooyinka waxey shalay diiwaan geliyeen shantii Xisbi ee udanbeysay, waxaana ka horeeyay Toban ay horay udiiwaangeliyeen, waloow wali Xisbiyada ufurantahay iney sidiiwaan geliyaan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay iney baaritaano ku sameynayaan Xarumaha Xisbiyada Siyaasadeed ee dukumintiyadooda Gacanta ku hayaan, Sababta waxey ku sheegtay iney doonayaan iney kala saaraan Xisbiyada shuruudihii ay hor dhigeen buuxiyay iyo kuwo aan buuxin.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa dhinaca kale shacabka udirtay Fariin la xiriirta iney marka hore ka baaraan dagaan Xisbiyada Codkooda siinayaan waxa uu yahay, Xafiis iyo shacbiyad inuu leeyahay, kadibna ay Taageero umuujiyaan.

Xaliimo yareey ayaa shaacisay iney jiraan Xisbiyo aan leheyn Xafiisyo, Kuraas iyo dad ushaqeeyaba, balse hal qof uu Computerkisa isaga wato, Taasoo ay ku tilmaamtay Nidaam xumo, waxey Shacabka usheegtay in Xisbigaas oo akle aysan dooran, maadaama waxaas iyo wax ka xun uu dalka uhorseedayo.

Si Kastaba, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan iney dalka ku gaarsiiyaan Doorasho Qof iyo Cod ah waloow dadka qaarkii ay Quus ka muujinayaan iney dalka doorashadaas ka dhacdo, Maadaama Dastuurka wlai KMGnimada laga saarin, Affti Dadweyne loo qaadin, Shabaabna dalka oo idil laga wada saarin.

Faallooyin