Al-Shabaab oo 4 askari ku dilay weerar ay ku qaadeen Deegaanka Teed ee Gobolka Bakool.

Dagaalyahano katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar xoogan maanta ku qaaday Deegaanka Teed ee Katirsan Gobolka Bakool, Teed Waxey 30KM Waqooyi Galbeed ka xigtaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Shabaab ayaa weeraray  Saldhig  ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan Koofur Galbeed, Waxaana saraakiisha Teed ay qireen in 4 Kamid ah Ciidanka Dowladda lagu dilay dagaalka, Saraakiisha ayaa ku adkeysanaya iney iska caabiyeen weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Magaalada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaadaya ay gaarayaan 150 Qof, Ciidanka Dowladdana ay ahaayeen 50 Kaliya, balse ay heysteen hub aad ufara badan.

Shabaab Dhankooda ayuu sheegay inuu soo gaaray Khasaare oogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, Wuxuuna Ujeedka weerarka ku sheegay sidii loo qabsan lahaa Saldhiga Teed, Balse laga hortagay walow Ciidanka Koofur Glabeed ay fasaxyo ku maqnaayeen.

Weerarka kadib Ciidamo ka tagay Magaalada Xudur ayaa gurmad ahaan ugaaray Deegaanka Teed, Gudoomiyaha Xudur ayaa sheegay in Shabaab doonayaan iney Jaraan Wadada kaliya ee Xudur ufuran oo ah dhanka Teed.

Shabaab qoraal ay ka soo saareen weerarka, waxey ku sheegeen iney gacanta si buuxda ugu dhigeen saldhiga Teed, ayna horay uqaateen Wixii yiilay, waxey kaloo sheegeen in weerarka ay ku dileen 4 Askari, Hubkii ay wateenna horay usii qaateen.

Faallooyin