Madaxweynaha Puntland oo Abuubakar Cabdi Geelle u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool oo dagaalo ka jiraan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool u magacaabay Abuubakar Cabdi Geelle, oo ah wiil Dhallinyaro.

Magacaabistan waxaa ay ku soo aadday iyada oo gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo mid waliba sheeganayo Gobollada Sool iyo Sanaag.

Xarunta Gobolka ee Laasacaanood iyo degmooyin kale oo ay ka mid tahay Taleex,waxaa gacanta ku haya Somaliland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay billawday howlgal ay ku sheegtay dib u xoreynta Gobolka Sool oo ay dooneyso in ay kala wareegto Ciidamada  Somaliland.

Madaxweynayaashii soo maray Somaliland gaar ahaan laga soo billaabo Daahir Riyaalle ilaa Muuse Biixi midkasta marka uu xilka qabto waxaa ay Somaliland qabsaneysay degaanno cusub oo ka mid ah Gobolka Sool.

Muddadaas waxaa ay Ciidamada Somaliland qabsadeen laga soo billaabo Tuulada Ari Caddeeye ilaa degaanka Tukarraq oo ay la wareegeen 8dii January 2018,waxaana ay hadda Puntland ku doodeysaa in ay dib ula wareegto degaannadaas.

Xukuumada  Somaliland ayaa dhawaan ku baaqday xabad joojin iyo in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Gobolka Sool ee u dhaxeeya labada Dhinac ee dagaalku udhexeeyo.

Hayeeshee Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey, ayaa sheegay in Somaliland haddii ay dooneyso xabad joojin iyo wadahadal ay dib uga laabato degaannadii ay qabsatay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/06/

Faallooyin