Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta oo dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedaan xirnaanshaha wadooyinka

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa halkaasi waxa ay ku dhigayaan Banaanbax ay ku dalbanayaan in loo furo wadooyinka qaar ee xiran.

Ciidamada dowladda ayaa xiray wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho sababo ku aadan arrimaha amniga, inkastoo Madaxweynaha uu amray wadooyinka in loo furo dadka shacabka ah.

Qaar ka mid ah Bajajajleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay cabasho xooggan ka muujinayaan xirnaansha Wadooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo sheegay in ciidamada aysan fulin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in wadooyinka la furo, laakiin subixii ay furaan galabtiina ay xiraan.

Ciidamada Dowladda ayaa rasaas dusha ugu ridaayo dadka Banaanbaxa dhigaayo ee wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ah, si ay u kala eryaan, laakiin taasi wali ma suuragelin.
 
Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa waxa ay sheegeen inaysan fureyn wadada illaa masuul dowladeed uu u yimaado oo balan qaad rasmi ah ay ka helaan.

Faallooyin