Laba ruux oo ku geeriyootay dagaal Shabaab ay ku qaadeen Koontaroolka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Siinka Dheere ee duleedka magalaada Muqdisho, kaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkan uu billowday kadib weerar ay dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey Laba qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, iyadoo dhaawac Labada dhinac ahna lasoo sheegayo.

Xaaladda deegaanka Siinka Dheer ayaa saakay deggan, iyadoo gaadiidka dadweynaha ay si caadi ah u isticmaalayaan.

Faallooyin