Madaxweynaha Jubaland oo tagay Deegaanadii Shabaab laga qabsaday ee Duleedka Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanada gosha oo ay howlgal ka wadaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga Dalka halkaas oo lagu wiiqay awooda Al-Shabaab.

Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Shabaab laga saaray isagoo Ciidamada Jubaland ku booriyay in ay u dhabar adaygaan Howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Deeganada uu Madaxweynahu booqday kadib waxaa uu kulan la qaatay Sarakiisha howlgalka hogaaminaysa isagoo amaanay sida ay howsha u wadaan isla markana loo baahan yahay in ay laba laaban dadaalka ay Shabaab  kaga saarayaan deeganada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray Ciidamada isla markana hada ay si hagar la'aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deeganada laga qabsaday  Al-Shabaab in ay Ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.

Si Kastaba, Jubaland ayaa dagaal xoogan kula jirta Shabaabka ku sugan Duleedka Kismaayo, iyadoo Jimcihii weerar xoogan oo ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askari Mareykan ah iyo 4 Somali ah, Waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 4 Askari oo Mareykan ah.

Faallooyin