Burlington: Gabar Somali ah oo dhaawacantay kaddib markii ay iska tuurtay Gurigeeda oo uu dab qabsaday

Caasho Xaaji oo Soomaali Mareykan ah ayaa iska tuurtay Dabaqa 2aad ee Guriga ay ka deggan tahay Magaalada Burlington ee Dalka Mareykanka.

Dhismaha Guriga ayuu dab ka kacay,Caasho waxaa ay go'aansatay in ay istuurto waana ay ku dhaqaaqday,waxaa uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka iyada oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Jaamacadda University of Vermont.

Xubnaha kale ee Qoyska oo qaarkood Guriga ku sugnaa ayaa markii uu dabka kacay iskula hadlay Af Soomaali,waxaa la waayay mid ka mid ah xubnaha Qoyska,waxaana ay Caasho dhaawaceeda ka sokow ka wal walsaneyd wiilkeeda weyn.

Goor dambe ayaa derisku la xiriiray Taleefankiisa,waa uu qabtay,waxaana uu sheegay in uu ka maqanyahay Guriga.

Booliska degaanka ayaa sheegaya in sababta dabkan kicisay aan wali lahayn, hayeeshee ay baaritaan ku hayaan waxa sababay dabkaas.

Saraakiisha Isbitaalka ayaa ka gaabsaday in ay sheegayaan xaaladda ay ku sugan tahay Caasho Xaaji,waxaase Natasha Cabdalla oo ehel la ah Caasha ay sheegtay Caasho ay ka dhaawacantay Dhabarka.

Madaxa dam damiska Magaalada Burlington,Steven Locke, ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaanka waxa sababay Dabkan oo sidoo kale saameeyay saddex Guri oo Gurigan ku dhawaa.

Faallooyin