Mareykanka oo shaaciyay Magaca askariga Jimcihii looga dilay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa markii uhoreysay shaacisay Magaca askarigii Mareykanka ahaa ee Shabaab ku dileen weerarkii xooganaa ee Jimcii la soo dhaafay ay ku qaadeen Deegaanka Baar Sanguuni oo 50KM Waqooyi ka xiga Kismaayo.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay jiritaanka wararka la xiriira in hal askari looga dilay weerarka iyo dhaawaca 4 Kale, Mareykanku ma sheegin hadii ay jiraan askar Somali ah oo weerarkaas ku dhimatay.

Askariga weerarka ku geeriyooday ayey Mareykanka ku sheegin Saddex Alifle Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina.

Askarigaasi waxaa la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo magaalladda Chandler ee Gobalka Arizona ee dalka Mareykanka.

Mareykanka ma soo bandhigin Magacyada iyo xogta ku saabsan Askarta weerarkaas uga dhaawacantay iyo xiligan sida ay tahay Xaaladooda Caafimaad, maadaama qarakood la sheegay iney Dhaawacyadooda daranyihiin.

Dhinaca Kalena, wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Meydka Alexander W. Conrad laga dejiyay Garoonka Caasimada Kenya, halkaas oo la filayo in Saacadaha soo socda looga sii gudbiyo Mareykanka, si halkaas aas loogu sameeyo.

Sidoo kale, waxaa diyaarad gaar ah loo soo diray askarta dhaawaca ah oo iyagana la filayo in dib dalkooda loogu celiyo si ay uhelaan Daryeel wanaagsan.

Alexander W. Conrad, ayaa ah askarigii 2aad ee Mareykanka looga dilay Somaliya tan iyo 1993-dii, Askarigan kii ka horeeyay waxaa lagu dilay Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose Sanadii 2017.

Faallooyin