Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil.

Wararka naga soo gaaraya Degmada C/Casiis ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Gelinkii danbe ee Manata Ciidan katirsan nabad SUgida SOmaliya oo Fadhiyay Bar Fiat ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inuu Galabta abaara 5:10 uu ka abdbaaday isku day lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo, sida uu qoraalkiisa ku sheegay.

Waxa uu yiri “Maanta marki ay saacadu ahayd 5:10pm ama galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah kadib marki ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay, kaddib waxaa ay nagu wargeliyeen in aanu socon karno, balse markii aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabay rasaas isla askarigi i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaran yahay in uu i rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa”.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in dhowr jeer oo hore uu Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan uu la wadaagay Fariimo Hanjabaad ah oo uu kala kulmayay Ciidanka NISA, Sida uu Facebookiisa ku yiri.

“Waxaan rabaa in aan la wadaago shacabka Soomaaliyeed in ciidama NISA iga soo gaaray Marar badan handadaado amni, markii ugu dambeysay ee ay isoo gaartay khatartaas amni waxaan la wadaagay Guddoomiyaha Golaha shacabka Amb. Mohamed Mursal, waxaana dalbanayaa in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo wixi dhacay maanta”ayuu yiri Guddoomiyaha Kutlada Horusocod ee mucaaradka ah.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa sheegay in arinta markii danbe ay soo fara galiyeen Saraakiil katirsan Lamaaha amniga kuwaasoo xaalada qaboojiyay, Xildhibaanka ayaa dhankiisa wuxuu qeylo dhaan ku keensaday gaari Cabdi Bile ahaa oo ay Ciidamo saranaayeen maadaama markii hore uu watay Gaari aan xabada karin ee Buruufta loo yaqaano.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalo barahooda bulshada ku soo dabaacay ayaa dhankooda Xukuumada udiray fariin ku aadan iney Gacanta ku soo dhigaan askartii rasaaseeyay Garaiga Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Kutlada Baarlamaanka ee Horusocod.

Faallooyin