Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Waqooyiga Magaalasda Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goordhow weerar uu ka dhacay Magaalada lagu beegsaday Xildhibaan fadhiyay Goob dadku ay isugu yimaadaan Afurka kadib.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Daahir oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa caawa lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa dhaawac Culus oo soo gaaray kadib waxaa loo qaaday Isbitalka GMC ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu  markii danbe ugu geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaasta lala dhacay.

Sidoo kale Waxaa halkaasi ku dhintay Mid kamid ah ilaalada Hotel Clasic oo joogay meel aan sidaas uga fogayn halka uu xildhibaanku fadhiyey ka hor intii aan la dilin, Waxeyna dableyda weerarka qaaday ka baqatay in Askariga Hoteelka ilalaada ka hayay uu rasaaseeyo hadey dilaan Xildhibaanka taasoo keentay in marka hore askariga la dilo.

Kooxihii dilka Xildhibaanka iyo askariga geystay ayaa markii dnabe isaga tagay Goobta, Waxaana soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa Puntland oo halkaasi ka sameeyay baaritaano, lama soo sheegin wax dad ah oo ay howlgalka ku soo qabteen.

Faallooyin