Wasaaradda amniga oo sheegtay laba nin oo Shabaab in lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada ammaanka ayaa suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen laba nin oo ka tirsanaa Al Shabaab. 

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Nationlink ee Suuqa Bakaaraha, sida uu sheegay Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. 

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay, iyadoo uu socdo hawlgalka xaqiijinta ammaanka ciidamadan ay la kulmeen dableydan Shabaab ka tirsan, kadibna halkaasi lagu dilay. 

Ragga la dilay oo laba ahaa ayaa waxaa la socday nin saddexaad oo ka baxsaday goobta sida Saraakiisha ay sheegeen. 

Waa markii ugu horeysay tan iyo Bisha Ramadan markii la galay ciidamada ammaanka Suuqa Bakaaraha ay ku toogtaan laba nin oo Shabaab ka tirsan.

Faallooyin