Weerar Ismiidaamin ah oo Degmada Afgooye lagula eegtay Kolonyo gaadiid ciidan

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay weerar Ismiidaamin ah. 

Ismiidaaminta ayaa waxaa fuliyay ruux kaxeynaayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, xilli halkaasi ay marayeen ciidan ka tirsan kuwa Militariga ee Garoonka Ballidoogle lagu tababaro. 

Gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen ciidankaasi ayaa la soo sheegayaa in gaariga Ismiidaaminta ah lagu dhuftay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. 

Al Shabaab ayaa si hordhac ah waxa ay u sheegteen 12 askari oo ka tirsan ciidamada ay tababaraan Mareykanka ee Bangarafta inay halkaasi ku dileen. 

Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay Khasaaraha dhimashada inuu yar yahay, sidoo kalena dhaawaca inuu yar yahay. 

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Ismiidaamin ah oo Shabaab ay fuliyaan tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Faallooyin