Raiisal Wasaare Ku xigeenka Somaliya oo Puntland iyo Somaliland ugu baaqay qaboojinta xiisada Tukaraq

Ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhinacyada Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay si nabad ah ku xaliyaan colaada ka dhaxeysa ee la xiriirta xiisada degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka in xilligan lagu guda jiro bil barakeysan bil kheyrsan, sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in la daadiyo dhiiga qofka muslimka ah.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dhinacyada Somaliland iyo Puntland, inay nabad ku xaliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhaxeeya, looma baahna in dhiig qof muslim ah la daadiyo, dagaalka cidna kuma macaashto, walaalayaal wixii nabad lagu heli karo yaan colaad loo bedelin.” Ayuu yiri R.W Ku-xigeenka dalka.

Hadalka Raysal wasaare ku xigeenka ayaa kusooa adaya xili labada maamulba ay ciidamo iyo Maleeshiyo kusoo ururinayaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ciidamadu ay isku horfadhiyaan.

Faallooyin