Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose oo xilka laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo loo magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), iyadoona xil kale loo magacaabay.

Wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed, sida ku cad wareegto kale oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan.

Najax ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii 2015 ahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Faallooyin