Nin horay uga soo Goostay Shabaab oo askari ku dilay Magaalada Baladxaawo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Dagaalame katirsanaa Shabaab oo horay uga soo goostay iskuna dhiibay Jubaland uu dilay askari katirsan Ciidanka Dowladda.

Askarigan Shabaab katirsanaa ayaa 4 Bil kahor isaga soo Baxay Shabaab, Wuxuuna iska dhiibay Degmada baardheere, iyadoo markii danbe loo soo wareejiyay Magaalada baladxaawo oo uu isaga dalbaday in loo wareejiyo.

Askariga uu dilay oo lagu Magacaabi jiray C/Naasir C/llaahi Ibraahim, ayaa waxaa raaciyay Taliyaha Nabad SUgida Baladxaawo kadib markii uu dalbaday in askariga lagu daro maadaama uu tagayay Meel ka baxsan Magaalada.

Wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Xasan Nuur Janan, ayaa Sheegay in ninka wax dilay uu dib ugu laabtay Shabaab oo uu isaga tagay Magaalada, Waxaana markii danbe ay soo heleen Meydka Marxuumka uu dilay.

Wasiir Janan ayaa sheegay in laamaha amniga wadaan baaris ku aadan soo qabashada Ninka dilka geystay oo horay usii qaatay Qorigii uu watay askariga katirsan Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Magaalada Baladxaawo oo Xuduuda dhacda.

Si Kastaba, Jubaland Kuma Cusba in Xubnaha ka soo Goosta Shabaab ay dilal ugeystaana skarta iyo Saraakiisha Ciidamada, Sanadii 2013 Dagaalame sheegay inuu ka soo Goostay Shabaab ayaa Taliyihii Nabad SUgida Jubaland.

Faallooyin