Qaraxyo Xoogan oo Caawa laga maqlayo Degmooyinka ku teedsan Madaxtooyada Somaliya.

Qaraxyo Xoogan ayaa laga maqlayaa Degmooyin badan oo Kamid ah Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan kuwa ku teedsan Madaxtooyada Somaliya.

Qaraxyada ayaa isugu jira Bam Gacmeedyo iyo Hoobiyayaal ku dheceysa Degmooyinka; Howlwadaag, Wardhiigleey, Xamar Jajab, Waaberi iyo Xamarweyne, Waxaana Jira Khasaare dhiamsho iyo Dhaawacba leh Waloow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Hoobiyayaasha oo ka Badan 10, ayaa Baqdin ku beertay Shacabka Degan Caasimada, Maadaama Caawa ay tahay Habeenka Koowaad ee Bisha Barakeysan Ramadaan.

Sidoo kale waxaa la Maqlayaa Rasaas Xoogan oo ay ridayaan Ciidamada Amaanka ee ku sugan Meelaha ku dhow Goobaha ay ku dhacayaan Madaafiicda, Waxaana mararka qaar la maqlayaa Rasaas iyana ay ugu Jawaabayaan Kooxaha Qaraxyada fulinaya.

Sidoo Kale Bam gacmeedyo ayaa laga Maqlayaa Magaalada Muqdisho, Laba bambo Gacmeed oo lagu tuuray Guriga Maxamed ABuukar Jacfar oo ah Sarkaal katirsan NISA, Soon noqday Taliyihii Ciidanka Xasilinta iyo Gudoomiyihii Howlwadaag , ayaa waxaa ku dhaawacmay laba kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxyada Gurigiisa lagu weeraray oo ku dhow Iskoolka Dhagaxtuur, ayaa waxaa daba socday Rasaas ay dhowr jiho uridayeen Ciidamadii kale ee Gurigiisa ilaalada ka heysay, Waxaana Goobta isaga cararay Dableydii weerarka qaaday.

Sidoo Kale Xarunta Degmada Waaberi Laba Bambo Gacmeed oo lagu tuuray Waxaa ku dhaawacmay askari katirsan Ciidanka ilaalada ka hayay, Sida ay sheegeen laamaha amniga Waaberi.

Si Kastaba, Dowladda Somaliya ayaa dhawaan sheegtay iney diyaarisay Ciidamo xasiliya amniga Caasimada Mudo ku siman 90 Cisho.

Faallooyin