Wasiirka Waxbarashada oo shaaciyay tirada ardayda Imtixaanka dowladda u fariisanaysa

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay Tirada Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garow xoogan ku jirto.

“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa Diyaargarow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in 27,600 oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1400 oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

“waxaa iyana xusid mudan in Fatahaada Wabiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1400 oo arday oo sanadkaan Imtixaanka dugsiga sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u balanqaadeynaa inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay Imtixaankooda gali doonaan”.ayuu yiri Wasiirka.

Faallooyin