Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Mursal C/raxmaan, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku tagaayo Magaalada Baydhabo inay la xiriirto Shirka Magaaladaasi kaga socda Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Dowladda Somaliya ayaa dareen ka qabta Shirkaasi oo ay kala kulmeyso culeys Siyaasadeed, haddii war murtiyeed ay soo saaraan Madaxda dowlad Goboledyada ee Baydhabo ku shiraayo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa marka uu tago Magaalada Baydhabo wuxuu halkaasi kula soo kulmi doonaa madaxda Baydhabo ku shirsan, sida wararka ay sheegayaan.

Shalay madaxda dowlad Goboledyada ma aysan shirin, sababtana waxaa lagu sheegay inay tahay arrimaha ku aadan xiriir kaga yimid dhanka dowladda dhexe ee Somaliya.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa khilaaf siyaasadeed wuxuu kala dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya, khilaafkaasi oo noqday mid banaanka u soo baxay.

Faallooyin