Imisa Wadan ayaa Ka Qeybgashay furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Quddus?

Dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah shalay safaaraddiisa Israel uga furay Magaalada Barakeysane ee Quddus,taas oo caro badan ku abuurtay dalalka Caalamka una badan kuwa Muslimka ah.

Dalalka Koofur Afrika iyo Turkiga ayaa si rasmi ah safiirradooda Isreal ugu yeertay si ay gadood uga muujiyaan taallabada uu qaaday Mareykanka.

Waxaa kale oo jira dalal u badan Dunida Muslimka oo cambaareeyay furitaanka Safaaradda Mareykanka iyo kuwo aan ka hadlin.

Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa ka gaabsaday cambaareynta furitaanka safaaradda waxaana ay beddelkeeda cambaareeyeen Ciidanka Israel ee dadka ku dhow 60 Qof shalay kaliya ku dilay Gaza.

Haddana waxaa jiray dalal diblomaasiyiin u diray Quddus si ay goobjoob uga noqdaan munaasibadda furitaanka Safaaraddii Mareykanka ee Tel Aviv oo loo wareejiyay Magaalada Quddus,waxaana waddamadaas ka mid ah;.

Afrika:

Kenya

Ethiopia

Koofurta Suudaan.

Tanzania.

Rwanda

Angola

Zambia

Nigeria

Congo DR

Congo

Ivoary Coast

Cameroon.

Europe:

Georgia

Mecidonia

Ukarine

Romania

Albania

Hungry

Czech Repuplic

Austria

Serbia.

Asia:

Myanmar

Vietnam

Philippines

Thailand

America:

Paraguay

Dominica Repuplic

Guantamela

El Salvador

Panama

Peru

Hunduras.

Israel waxaa ay sheegtay in la casuumay dhamaan 86ka dal ee Israel ku leh xafiisyada diblomaasiyadeed,waxaana marka loo eego tirada la casuumay ka qeybgashay 30 dal oo kaliya.

Faallooyin