Shaqaalaha Kaawada qoda ee Kenya oo isaga baxay Waqooyi Bari Cabsida Shabaab Darteed.

Shaqaalaha Kaawada qoda ee u dhashay Dalka Kenya ayaa isaga baxay Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyaga oo ka cabsanaya in dilalka ku sii bataan.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib markii billowgii Bishan 4 ka mid ah shaqaalaha lagu dilay weerar ka dhacay degaanka Ceelwaaq labo kalena la dhaawacay.

19 ka mid ah shaqaalaha Kawaada ka qodayay Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ay gaareen Gobolka Nyeri oo ay ka soo jeedaan,waxaan ay sheegeen in aysan dib ugu laabaneyn degaankaas.

Waxaa ay intaas ku dareen in 100 ka mid ah shaqaalaha Kaawada ee u dhashay Gobolka Nyeri, lagu dilay Mandheera iyo agaagaarkeeda sanadihii la soo dhaafay,waxaana ay sheegeen in AL-shabaab ay aad u beegsato.

Xildhibaanka Gobolka Nyeri ee ay shaqaalahan u dhasheen ayaa markii ay shalay dib ugu laabteen Gobolka isaga oo la hadlayay ku sheegay weerarrada ka dhanka ah dadkaasi Isir sooc lagu sameynayo dadka aan u dhalan Waqooyi Bari.

Ngunjiri Wambugu, oo ah Xildhibaanka matala shaqaalahan ayaa waxaa uu bixiyay qarashka ay uga baxeen Mandheera ee ay ku tageen Gobolkooda.

Cismaan Ismaaciil oo ka mid ah shaqaalaha ku laabtay Gobolka Nyeri ayaa difaacay go’aanka ay ka qaateen Kaawo ka qodidda Gobolka Waqooyi Bari waxaana uu shaki geliyay in ay ku laabtaan Gobolkaas.

Waxaa uu ku tilmaamay dilalka iyaga ka dhanka ah ee ka dhacay Gobolka in ay ahaayeen kuwo tartan Ganacsi la xiriira,maaddaama dadka u dhashay degaanka aysan Kaawada qodin.

Faallooyin