Kooxo Hubeysan oo Wiil Dhalinyaro ahaa ku dishay Suuqa Bakaaraha.

Wararka Naga soo gaaraya Suuqa Weyn ee Bakaaraha, ayaa Sheegaya in Kooxo Hubeysan ay ku toogteen Wiil Dhalinyaro ahaa kaa soo wali aan la aqoonsan Wuxuu ahaa.

Dilka oo ka dhacay Qeybta Cabdalla Shideeyaha ee Bakaaraha ayaa Waxaa geystay Sadex Nin oo Bistoolado ku Hubeysan Kuwaasoo dhowr Xabadood qeybta sare ee Jirka kala dhacay Marxuumka geeiryooday oo lagu sheegay inuu Dhalinyaro ahaa.

Nin la sheegay inuu watay Khamiis ayey Goob Joogayaal soo sheegeen inuu Rasaas la dhacay Marxuumka, ilaa iyo 4 Xabadood ayaa la sheegay iney ku dhacday Ninka la dilay taasoo keentay inuu Goobta ku geeriyoodo.

Dadka dilka geysay ee Saddexda ahaa ayaa la sheegay in Mid kamid ah uu Sawirran iyo Muuqaalba ka duubayay Qaabka uu dilka u dhacayay, Daacish oo weerarada ay ka geystaan Muqdisho Mudooyinkan laba Jibaaray ayaa looga bartay iney Sawirran soo bandhigaan marka ay dilalka geysanayaan.

Raga dilka Geystay ayaa sidoo kale dhowr Xabadooda kor oogu riday Dadkii ku xoonsanaa Cabdalla Shideeyaha Bakaaro, Kuwaasoo Wadada mar kaliya ka dhigay Meelaan Cidna ku sugneyn.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku soo batay dilalka ay geysanayaan Kooxaha Bistooladaha la carara, Waxaana dilalkaa barbar socda Hanjabaado ay Jeedinayaan Laamaha amniga ee Dowladda kuwaasoo sheegtay in 90 Maalin gudeheed amni uga dhigayaan caasimada, Waloow taasi aysan Muuqan.

Faallooyin