Shirka Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa si rasmi ah uga furmay Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira. 

Shirkaan oo ah midkii labaad oo ay yeeshaan Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa waxaa marti geliyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. 

Shirka oo ka socda Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa madaxdan ku soo dhaweeyay furitaanka Shirka Madaxweynaha Martida looyahay ee Shariif Xasan Sheekh Aadan. 

Inkastoo uu jiro mad madow ka dhex jira dowlad Goboledyada iyo dowladda dhexe ee dalka ayaa qodobada Shirkaan looga hadlaayo waxa ay tahay xaaladda Siyaasadeed ee dalka xilligaan uu ku jiro. 

Shirkan oo socon doona illaa berri ayaa wararka waxa ay sheegayaan in gaba gabadiisa laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii madaxda ay ka wada hadleen. 

Dowladda Somaliya ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqa shirkaan, maadaama aysan jecleysan kulankaan maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee Shanta Madaxweyne Maamul Goboled ay ku shirayaan. 

Faallooyin