Shirweynaha Qaran ee Dastuurka oo galay maalintii labaad

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconaya shirweynaha Qaran ee dib u eegista Qaranka, kaasi oo ay ka qayb galayaan xubno ka socda DFS, maamul goboleedyada iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada.

Furitaanka shirkan waxaa shalay ka qayb galay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya sida Gudoomiyeyaasha Labada Aqal ee baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha iyo marti sharaf kale.

Ulajeedka shirkan ayaa ah ka doodista qabyo-tirka dastuurka KMG ee dalka u yaalla iyo sidoo kale ka hadlidda waxyaabihii laga soo qabtay dastuurka.

Maalinta berri ah oo ku beegan 15 May ayaa shirkan lagu soo gabagabeyn doonaa magaalada Muqdisho.

Faallooyin