Shirka madaxda Maamul Goboledyada oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya shirka 2-aad ee madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya. 

Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada qaarkood ee dalka ka jira. 

Dowlad Goboledyada la og yahay illaa hadda ee khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladda Somaliya waxaa ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya. 

Ajandaha Shirka Baydhabo oo ah midka guud ee xaaladda Siyaasada Somaliya ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah sida laga yeelaayo Khilaafka Maamul Goboledyada iyo dowladda dhexe.

Dowladda Somaliya ayaa culeys siyaasadeed kala kulmi doonta Shirkan maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo.

Faallooyin