Madaxweyne Farmaajo oo maanta Magaalada Doxa kula kulmaya Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaah Jamahuuriyadad Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar  ayaa maanta waxaa u bilaabanaysaa booqashadiisa rasmiga ah oo muddo laba maalmood ah qaadan doonta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar,iyagoo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar iyo doorka dowladda Qatar ay ku leedahay taageeradda Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed Bin Cabdulraxmaan Bin Jaasim Al Thani ayaa xalay booqasho salaan sharaf ah wuxuu ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo Farmaajo, isagoo u muujiyay soo dhaweyn diiran iyo sida dowladda Qatar ay diyaarka ugu tahay xoojinta ilaaqaadka kala dhexeya Soomaaliya.

Kulanka maanta dhexmaraya Madaxweye Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xaamad Al Thani ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool u ah Soomaaliya iyo Qatar,gaar ahaan iskaashi iyo wadasheynta labada dowladood oo kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta kujira.

Arrimaha la hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah in Madaxweyne Farmaajo dowladda Qatar uu kala hadli doono buuxinta kaalintii ay baneysay dowladda Imaaraadka Carabta oo tababaro siin jirtay ciidamada Xoogga dalka Somaliya qayb ka mid ah.

Faallooyin