Qoys ka Kooban Todobo Qof oo isku Qarxiyay 3 Kaniisadood oo ku Yaala Indonesia .

Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhimtay halka ay daraasiin kale ku dhaawacmeen kaddib markii Dalka Indonesia uu ka dhacay weerar ay fuliyeen hal qoys.

Dowladda Indonesia ayaa sheegtay in Qoys ka koobnaa 7 Qof ay ka dambeeyeen weerarro mataano ah oo lagu qaaday dhowr Kaniisadood oo ku yaalla Magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee lagu magacaabo Surabaya.

Hooyo iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay ayaa isku qarxiyay hal Kaniisad,halka Aabbaha iyo Labo wiil oo uu dhalayna ay isku qarxiyeen labo Kaniisadood oo kale.

Madaxa Booliska Indonesia, Tito Karnavian,ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Qoyskan ay ka tirsanaayeen Daacish maaddaama Ururka uu sheegtay mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday Kaniisadaha.

Weerarkan waxaa ay dowladda ku sheegtay kii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2005tii,waxaana ay dowladda sheegeysaa in xubno Reer Indonesia ah ay ku biireen Daacishta Ciraaq iyo Syria.

Faallooyin