Madaxweynaha Somalialnd oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Somaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayay ayaa Gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Michael Keating, Waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Hargeysa Masuuliyiin ka Tirsan Somaliland oo nuu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, Iyadoo loo Galbiyay Xarunta Madaxtooyada oo ay isku arkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Biixi iyo Keating oo wada yeeshay Kulan Balaaran, ayaa waxey uga hadleen arimo ay kamid tahay Abaaraha, Xaalada Roobka ee Sanadan, Nabad Galyada, Wadashaqeynta, Doorashooyinka Sanadka soo Socda iyo Xoojinta Xiriirka udhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobey.

Kulankaas, Waxaa Madaxweyne Biixi ku wehlinayay Gudoomiyayaasha Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Wasiiro katirsan Somalland.

Wasiirka Arimaha Dibeda Somalland Dr Sacad Cali Shire ayaa Sheegay in Kulanka uu ku soo dhamaaday Jawi isfahan ah, Iyadoo ugu danbeeyay Wakiilka Qaramada Midoobey uu ka dhoofay Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Keatinga oo isna si Kooban Saxafaada ula hadlay ayaa sheegay inuu ku Faraxsanyahay inuu Markiisii 2aad Tago Hargeysa, Safarkan Kiisii ka Horeeyay oo la xiriiray Arimaha Abaaraha iyo wax ka qabashadooda ayuu Michael Keating Hargeysa ku tagay Bilowgii Sanadan 2018.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Somaliya ayaa iska diiday inuu ka Jawaabo Su'aal Saxaafada ay ka weydiisay arimaha Dagaalada Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland, Maadaama uu ka Yimid Garoowe, ka hor Socdaalkiisii Hargeysa.

Faallooyin