Madaxweynayaasha Dhamaan Maamul Goboleedyada Dalka ka Jira oo Wada Gaaray Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku sii qulqulayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka Jira.

Goordhow Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud, Waxaa ka dagay Wafdi uu Hogaaminayay Madaxweynaha Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali (Gaas).

Gaas, Waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Maye iyo qaar kamid ah masuuliyiinta ugu sareysa Koofur Galbeed, iyadoo si aad ah loo adkeeyay Amniga Xarunta Kumeel Gaarka ah ee Baydhabo.

Horay Waxaa Maanta usii tagay Baydhabo Madaxweynayaasha Maamulada Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle, Waxeyna ka soo kala duuleen Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.

Sida Qorshuhu  Beri waxaa Furmaya Shirweynaha Dastuurka kaa soo horay uu u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Waxa uu Noqonayaa Shirkoodii Labaad oo ay isugu Yimaadaan iyadoo Shirkii hore uu ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Amniga Guud ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa Maanta aad loo adkeeyay, Waxaana socdo Howlgalo Balaaran oo ay sameynayaan Ciidamada  AMniga, Waxaana Ciidan Badan lagu daadiyay Wadada isku xirta Garoonka Baydhabo iyo Madaxtooyada Koofur Galbeed.

Faallooyin