Madaxda dowlad Goboledyada oo la filaayo inay maanta ku shiraan Magaalada Baydhabo

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada.

Shirkaan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha siyaasadeed ee haatan taagan. 

Inkastoo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboledyada qaar uu ka dhex jiro mad madow kala duwan, ayaa haddana Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada wuxuu noqon doonaa culeys hor leh oo fuula dowladda Somaliya. 

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaanan wanaagsaneyn xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya. 

Madaxda Maamul Goboledyada ayaa tagaya maanta Magaalada Baydhabo oo qaban qaabada soo dhaweynta wafuuda kala duwan halkaasi ay ka socotaa.

Faallooyin