Shabaab oo ku hanjabay si lamid ah ciidamada Uganda inay ula dagaalamayaan ciidanka Turkiga ee jooga Somaliya

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay la dagaalamayaan Ciidamada Turkida ah ee jooga Somaliya, kadib markii shalay Subax tiro madaafiic ah ay ku weerareen xerada ciidankaasi ay ka sameeyeen deegaanka Jazeera. 

Afhayeenka dhanka hawlgalada Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay ciidamada Turkida ah inaysan waxba uga duwaneyn kuwa Uganda, Kenya iyo Itoobiyaanka jooga Somaliya, sida ay ula dagaalamaan ciidankaasina ay ula dagaalamayaan. 

Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay Dowladda Turkiga inay xubin ka tahay Isbaheysiga NATO ee uu Mareykanka hoggaamiyo, sidaasi awgeedna Shabaab ay la dagaalamayaan. 

Al Shabaab ayaa la dagaalama ciidamo kasta oo caawiya kuwa dowladda Federalka Somaliya, waxayna qiil uga dhigaan mabda’ooda dagaalka ee jihaadiga ku saleysan. 

Turkiga ayaa Somaliya wuxuu ka gaystay arrimo kala duwan oo ugu horeyso dhanka gargaarka, waana dowladda Koowaad ee Somaliya taageerada buuxda la garab taagan. 

Madaafiicdii Shabaab shalay ay ku tureen Xerada ciidamada Turkiga ayaanan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, sida Saraakiisha Somalida ay xaqiijiyeen.

Faallooyin