Turkiga oo ka digay cadaadiska ay waddamada Khaliijka ku hayaan Somaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu,ayaa sheegay in Khilaadka ka dhashay go’doominta Qadar uu saameyn taban ku yeeshay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd waddamadii booska dhex dhexaadnimada iska taagay khilaafka u dhaxeeya Waddamada Khaliijka laakiin ay hadda wajaheyso cadaadis ka dhashay  go’aankaas.

Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya,waxaa kale oo uu ugu baaqay waddamada Iskaashiga Islaamka iyo Carabta in ay isku meel ka soo jeestaan islamarkaana meel iska dhigaan khilaafaadka yar yar ee u dhaxeeya.

Waxaa uu ka digay in dalalka Soomaaliya ka mid tahay aan looga faa’ideysan daruufaha ay ku jiraan islamarkaana la ilaaliyo madaxbanaanida dalkasta uu leeyahay.

Khilaafka u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameeyay Soomaaliya,waxaana go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay qaadatay khubarrada dhinaca diblomaasiyadda u fasireen in ay hiillo u tahay Qadar kana soo horjeeddo waddamada diiddan.

Arrintaas waxaa ay sababtay in Imaaraadka uu howlihii samafal iyo tababar Ciidan ee uu ka waday Soomaaluya uu joojiyo.

Mr Mevlüt Çavuşoğlu waxaa uu ka hadlayay shirka saxaafadda Carabta oo ka socdo Magaalada Istanbuul,kaas oo ay ka qeybgelayaan wariyayaal ka kala socda 18 dal oo Carbeed.

Faallooyin