Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa maanta oo  Sabti ah waxa ay kulan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ajandaha maanta horyaala Golaha uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (Company Law), kaas oo xiligaan dalka muhiim u ah.

Hindise Sharciyeedka Shirkadaha ayaa maanta laga hor aqrin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo kulanka ay ka qeyb galayaan guddoonka Golaha Shacabka.

Hindise Sharciyeedkaan ayaa soo mari doona nidaamyada kala duwan ee Aqrinta Sharciyada dalka.

Faallooyin