Shabaab oo tiro madaafiic ah saaka ku weeraray Saldhiga Turkiga Muqdisho ka hirgeliyeen

Al Shabaab ayaa saaka aroortii tiro madaafiic ah waxa ay ku weerareen Saldhiga Turkiga ee lagu tababaro ciidamada Somaliya. 

Dhawaqa madaafiic ayaa saaka aroortii laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jihada Koonfureed, waxaana la ogaaday in madaafiicdaasi lagu tuuray Saldhiga ciidamada Turkiga Muqdisho ay ka hirgeliyeen. 

Shabaab waxa ay sheegteen 13 madaafiic ah inay ku tureen Saldhigan oo ku yaallo wadada deegaanka Jazeera, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Nacnaca. 

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaan Shabaab ay ku weerareen xerada ciidamada Turkiga ay ka hirgeliyeen Magaalada. 

Shabaab waxa ay sheegteen xilliga madaafiicda lagu tuuraayay Saldhigan in halkaasi uu ka socday tababar la siinaayay ciidamada Somalida ah ee xeradan ku jira. 

Saraakiisha ciidamada Xeradan iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Banaadir wali kama aysan hadlin madaafiicdaan Shabaab saaka ay ku weerareen Xerada Ciidamada Turkiga ee Muqdisho.

Faallooyin