Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle oo Magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle, ayaa soo Magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Hiiraan oo Todobaadkii hore uu iska casilay Xuseen Cismaan Muumin Garbooy oo sheegay in Beeshiisa aysan ku qanacsaneyn xilkaasi.

Wasiir Caadle oo haatan ku sugan Magaalada Baladweyne, ayaa xilkan umagacaabay Jaamac Faarax (Kabaweyne), Magacaabistan ayuu sheegay iney ku timid latashhiyo uu la sameeyay Xildhibaanada Federalka ee deegaan doorashadoodu tahay Hiiraan iyo Bulshada ku dhaqan halkaasi.

Wareegtada Wasiir Caadle oo ku taariikheysan 22-Kii Bishan oo shalay ku asteysneyd ayaa lagu faray Hay'adaha amaanka iyo Shacabka ku nool Hiiraan iney la shaqeeyaan Gudoomiye kuxigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyada Hiiraan.

Si Kastaba, Wasiirka arimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa la socda Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo dhawaanna uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Hiiraan cali Jeyte Cismaan.

Faallooyin